Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo

Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxa ay ku qabteen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii ay xog ka heleen Hay’adda Nabad Suggida.

Saraakiisha ayaa sheegay in Cumar Maxamed Ismaaciil oo ku magac dheer “Nor” uu isku dayay inuu u raaco magaalada Muqdisho xilliga la qabanayay. Waxaana lagu wareejiyay hay’adaha amniga ee ay khusayso

Sidoo kale wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in uu ahaa macalin Qur’aan ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab ka dib markii uu ku qalqaaliyay nin ay qaraabo dhow yihiin oo ka tirsan kooxda oo gacan saar la leh Al-Qaacidada Bariga Afrika.

Ninkaan la xiray ayaa sheegay in uu ka yimid magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo uu tababar kusoo qaatay.

Xarigiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda inta badan gobollada dalka iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hormuud u yahay ololaha dib u xoreynta dalka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed