Sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya kaas oo fariin diray

Sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo muddo 12 sano ah ka tirsanaa ururkaasi ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada.

Sarkaalka soo goostay ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Sheekh Xasan oo loo yaqaanay Malaaq UK, waxaana uu u qaabilsanaa daweynta dhaawacyada kooxda. Waxa uu sheegay in uu go’aansaday in uu isaga tago Ururka Al Shabaab, kadib markii uu arkay tacadiyada iyo kalsooni darada ka jirta Ururkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka faa’ideystay Cafiskii Dowladda Soomaaliya ay u fidisay Xubnaha Al-shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan Colaadda, kuna biiraan Nabadda. Waxa uu ku booriyay asxaabtiisii ​​hore in ay ku daydaan oo ay ka soo baxaan dagaalyahannada.

Ciidanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Xasan uu isa soo dhiibay, waxaana ay sheegeen in uu ku guda jiro dhaqan celin, Ciidanka ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimadiisa, waxayna ugu baaqeen dagaalyahannada kale ee Alshabaab inay ka goostaan ​​oo ay qaataan nabadda, kana tanasulaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed