Sargaal loo xiray qaraxii ismiidaaminta ahaayee ka dhacay magaalada Beledweyne

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamada booliiska kadib markii gaari xamuul ah oo is-miidaamin ahaa lagu weeraray bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 36 qof, 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne, Axmed Cali Aadan, oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Sarkaalka la qabtay uu mas’uul ka ahaa Koontaroolka Ciidamada Nabad Suggida ay ku lee yihiin gaariga qarxay.

Wuxuu sheegay in boolisku ay dabagal ku sameeyeen dhacdadaasi iyo saraakiishii masuulka ahaay goobta, lala weeraray.

Balse faah faahin dheeraad ah kama bixin saraakiisha la qabtay iyo magacyadooda, waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay wadaan baariitaanoo kale oo ku aaddan qarixii sababay dhimashada iyo dhaawaca badan.

Gaariga xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si xoog ah waxa uu ku soo maray koontaroolka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Beledweyne, Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, markii uu qaraxu dhacayay waxaa eryanayay gaari kuwa xamuulka ah oo ay wateen ciidamada ammaanka, kadibna rasaas lagu furay goobtii ayuu ku qarxay.

Isagoo ka jawaabaya dhacdadaas, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxay cambaareeyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Beledweyne.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed