Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Ciidan Soomaaliya oo ka Hadlay Ka Mid Ahaanshaha Dagaalka Laascaanood.

Saraakiil ka tirsan Ciidaanka Xoogga Soomaaliyaa iska fogeeyay in ay ka qeyb qaateen dagaalka Laascaanood, Xilli Soomaaliland ay dhowr ku eedeysay dowladda Soomaaliya in Ciidankoodu uu ku biiray dagaalka gobolka Sool.

Taliska ciidamada kumaandooska gaarka ah ee Danab ee uu tababaro Mareykanka ayaa markii u horraysay si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal ka soo baxay Taliyaha Danab Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) kumaandooska Danab ayaa lagu beeniyay in askar ka tirsan Danab ay qayb ka yihiin dagaal muddooyinkii dambe ka socda Laascaanood.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in marxuum Maxamed Suleymaan oo ku dhintay dagaalka Laascaanood aanu ka tirsanayn Danab islamarkaana uu sababa isaga u gaar ah shaqada uga tagay sannadkii 2021.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed