Saraakiil loo heysto musuq-maasuq oo la horgeeyya Maxkamad ku taal Muqdisho

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilaawday dhageysiga dacwad Musuq-maasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Saraakiishaan ayaa horay loogu soo eedeeyay dacwdaan, waxana ku wehliyay Saraakiil kale oo ka tirsan hey’addaha dowladda Soomaaliya,  waxana loo heystaa in ay dhunsadeen malaayiin lacag ah oo lagala baxay qasnada dowladda iyo lacagao si kale loo leexsaday.

Afartaan Eedaysane ee la horeyay Maxkamada gobolka ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi Oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo Eedeyay Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda socdaalka iyo Jinisayada Soomaaliya.

Dhanka kale saraakiil kale oo baxsad ah ayey sheegtay xeer ilaalintu kuwaas oo ku maqan dalka debbadiisa, dhawaan bayaan ka soo baxkmada ayey ku magacaawday ilaa 9 eedeeysane oo ay ku jiraan labadii Agaasime ee iskaga dambeysay hey’adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed