Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo booqasho uga soo laabtay Dhoobley

Taliye ku xigeenka ciidamada Midowga Afrika ee dhinaca Taakuleynta iyo Saadka, Sarreeye Gaas Peter Muteti ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay dowlad goboleedka Jubbaland, si uu ugu kuur galo xaaladda ciidamada ku sugan Dhoobley.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha ATMIS ee ku sugan magaalada Dhoobley, Maj. Gen Muteti ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya ee ka howlgala ATMIS-ka oo uu sheegay in ay kaalin mug leh ka qaateen sidii ay u yareyn lahaayeen khataraha Al-Shabaab iyo ilaalinta shacabka ku nool gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu ammaanay dowrka ay ka ciyaareen qeybaha ATMIS-ka, oo ay ku jiraan militariga, booliiska, iyo qeybaha rayidka, isagoo ku booriyay inaysan ka daalin taageerada Soomaaliya si loo gaaro nabadda iyo xasilloonida. Wuxuu ku bogaadiyay ciidamada sida ay ula shaqeeyaan ciidamada amniga Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo shacabka gobolka.

Kenya ayaa weli ah xubin dalalka ciidamada ugu ku taageeray Soomalaiya  oo ay weheliyaan Burundi, Djibouti, Ethiopia, iyo Uganda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed