Saraakiil Itoobiyaan ah oo Ka Soo Degay Gobolka Hiiraan

Saraakiil  Itoobiyaan ah ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, Kuwaas oo aana la xaqiijin halka ay ka yimaadeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Saraakiishaan ay Magaalada u yimaadeen in ay u kuur galaan xaalada gobolka, waxana xigo doono in Ciidan Itoobiyaan ah ay imaan doonaan kuwaas qeyb ka noqon doono dagaalka dowladda ee Al-shabaab.

Ciidamadan Itoobiyaanka oo ah kuwo ka baxsan ciidamada ATMIS ayaa horay u yimid gobolka Gedo kuwaas oo gadiid dagaal kaga soo gudbay Xaduuda labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wadamada deriska ah iyo Caalamka ka codsaday in ay gacan ka siiyaan sidii Kooxda Al-shabaab looga Xoreyn lahaa dalka.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed