Saraakiil Dhuusamareeb u tagay wajiga labaad ee dagaal Al-shabaab

Magaalada Dhuusamareb ee caasimadda Galmudug waxaa gaaray Saraakiil ciidan oo kala duwan kuwaas oo ka tirsan dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Galmudug, waxana lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee maamulkaasi.

Saraakiishaan aya  u tagey bilaabidda  abaabulka Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka  ee howlgalka wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab, oo laga bilaabaayo magaalooyin waa weyn ee Al-shabaab gacanta ku hayaan, sida degmada Celbuur.

Saraakiishan Ciidan ee gaaray magalaada Dhuusamareeb ayaa ka soo jeedo maamulkaasi, waxayna hordhac u yihiin qorshe xooggan oo dhan ah Al-shabaab sidii looga xorreyn lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Socdaalka Saraakiisha ayaa ku soo beegmaya, iyada oo maalmo kahor kulan looga hadlayay howgallada Al-shabaab lagu maqatay Dhuusamareeb waxana kulankaas guddoomiyaha Madaxweynaha Galmudu Axmed Qoor Qoor iyo saraakiil ciidan.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed