Saraakiil & dad kale oo lagu qafaashay buurta Gacan Libaax oo la soo daayay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in si nabad ah lagu soo daayay 8 qof oo saraakiil ka mid tahay oo dhawaan maleeshiyo hubaysan qafaasheen ayna la galeen buurta Gacan Libaax ee duleedka magaalada Hargeysa.

Maleeshiyaadkan hubaysan ayaa la sheegay in ay ka qafaasheen deegaanka Go’ada wayn 8 qof oo ergo ahaan ugu tagay maleeshiyadan si ay xog ogaal ugu noqdaan waxa ay ka cabanayaan, laakiin waxaa la sheegay in kooxo hubaysan ay magaalada soo galeen isla markaana ay horey u wateen sideedii xubnood, sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Xasan Ogaal oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maleeshiyada beeleed ee hubaysan ay soo daayeen raggii ay qafaasheen oo ay ku haysteen buurta Gacan Libaax.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Hargeysa oo ka gaabsaday in magacooda saxaafada laga xuso ayaa sheegay in maleeshiyaadkan isku abaabulay qaabka beeleed ay ka biyo diidsan yihiin siyaasada madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan qorshayaasha doorashooyinka.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed