Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga oo is casilay kuna dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Jaamac Ceyiid oo ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga ayaa gudbiyay warqad istiqaalad ah oo uu ku sheegay inuu doonayo inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Go’aanka Ceydiid ayaa ka dhigan isbedel weyn oo ku yimid hankiisa siyaasadeed maadaama uu isku soo taagay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Danjire Jaamac Caydi oo kasoo jeeda Sool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, taasoo keentay inuu iska casilo xilkii dublamaasiyadeed. Warqadda uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shaqaalaha safaaradda oo gacan weyn ka geystay mudadii lixda sano ahayd ee uu ku jiray shaqada diblomaasiyadeed.

Puntland ayaa si weyn ugu ololaynaysa doorashada madaxweynaha kadib doorashada baarlamaanka iyo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka. Magacaabista guddiga doorashada ayaa ka dhigan wejiga xiga ee hannaanka doorashada, iyadoo loolan adag u galayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed