Safiirka Imaaraatka Carabta oo booqday xarunta SoDMA oo ballan qaaday dib u dhiska Buundooyinka ay burburiyeen fatahaadihii

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaysi ayaa maanta oo Axad ah xarunta Hay’adda SoDMA ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Imaaraadka ee ku aaddan caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan fatahaadaha saameeyay dhowr gobol oo dalka ka tirsan bilihii lasoo dhaafay. Daadadku waxa ay barakiciyeen kumanaan qof, waxa ay burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, sidoo kale waxa hakad galiyay maciishada.

Safiirka ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna bogaadiyay dadaalka ay SDMA ku bixisay isku dubaridka gurmadka bini’aadantinimo. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in Imaaraadka ay kordhin doonaan taageerada ay ka geysanayaan gurmadka fatahaadaha iyo soo kabashada, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska Buundooyinka ay burburiyeen fatahaadihii ka dhacay magaalooyinka qaar.

Imaaraadku waa mid ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo saaxiibada ugu weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo bixiya gargaarka bini’aadantinimo, horumarinta, iyo amniga dalka. Imaaraadku wuxuu kaloo si firfircoon uga qaybqaatay dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed