Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee ka soo jeeda deegaannada SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah dacwad uga gudbiyay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis oo ay ku eedeeyeen inuu faragelin iyo ka hor imaansho ku hayo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo.
War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanadan ayaa ku booriyay dowladda federaalka in ay si dhab ah dib u eegis ugu sameyso dhaq dhaqaaqyadii diblomaasiyadeed ee u dambeeyay ee la xiriira hab dhaqanka Danjire Nithavrianakis ee ku wajahan SSC-Khatumo.
Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Safiirka Britain uu si cad u jebiyay qodobka 41-aad ee Axdiga Vienna, kaasoo dhigaya in qofka la siiyo xasaanadda iyo mudnaanta uu ixtiraamo shuruucda dalka uu martida u yahay, isla markaana aanu faragelin arrimaha dowladda. Iyagoo ku andacoonaya xadgudubyadan oo kale, waxay ku baaqeen in la joojiyo dhaqan xumada uu Danjire Nithavrianakis ka wado gobollada SSC-Khaatumo, sida ay bayaanku ku sheegeen.
Iyagoo muujiyay dareenkooda ku aaddan diidmada la sheegay in loo jeediyay baaqyada lagu xaqiijinayo in la dhowro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, iyo weliba mabda’a ah in aan la faragelin arrimaha gudaha, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.
Khilaafkan ayaa ka dhashay markii maamulka SSC-Khaatumo uu safiirka Ingiriiska ku eedeeyay inuu si cad uga soo horjeedo jiritaanka SSC-Khaatumo. Safiirka ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in aan maamul kale laga dhisin xuduudka, taariikh ahaana uu isagu doortay Ingiriis, taasoo sii hurinaysa xiisadda, waxaana cabasho rasmi ah ka keenay xildhibaanada SSC-Khaatumo.
HBN NEWS DESK