Safiirada Soomaaliya iyo Britain oo kulan muhiim ah ka yeeshay xiriirka labad dal

Masuuliyiin ka socotay Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa kulan ka yeeshay xaaladda labada dal, hormarinta iyo kor u qaadida saaxiibtinimada soo jireenka ah, iyada oo diirada la saarayo hannaanka hormarinta dhanka Diblomaasiyadda iyo xiriirada.

Safiirada Soomaaliya iyo Britain soo hadal qaaday xoojinta xiriirka labada dal
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Amb. Darren Welch waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Britain.

Danjire Warfaa ayaa ku ammaanay dowladda Ingiriiska mashaariicda horumarineed ee baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday inay kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Ingiriiska ayaa kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageero dhanka ammaanka, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xasilinta deegaannada Al shabaab laga saaray, iyo saameynta siyaasadda dowladda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed