Safaaradda Itoobiya ee dalka Suudan oo lagu qaaday weerar geystay burbur xooggan

Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan ayaa subaxnimadii Talaadada weerar lagu qaaday laguna burburiyay hub culus, sida uu xaqiijiyay safiirka Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, balse waxaa burburay qayb ka mid ah dhismaha safaaradda, Yibeltal Ayimiro Alemu, oo ah safiirka Itoobiya ee Suudaan, ayaa warbaahinta u sheegay.

Waxa uu sheegay in ay qiimeyn ku sameynayaan khasaaraha inta uu la egyahay, isagoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin, weerarka lagu qaaday safaraadda Itoobiya ee dalka Suudaanb.

Ciidamada Rapid Support Forces ee Suudaan (RSF), oo  dagaallamayay tan iyo 15-kii Abriil, ayaa ku eedeeyay ciidanka weerarka. Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado safaarada Itoobiya ee Khartuum.

Shaqaale ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Suudaan ayaa BBC-da u sheegay in safaaradda lagu weeraray weerar xagga cirka ah oo saddex toddobaad ka hor lagu dhaawacay askari ilaalo ahaa. Waxay kaloo burburisay daaqadaha dhismaha safaaradda.

Dagaal gudaha ah oo dhex maray ciidamada dagaalamay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 5,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. In ka badan shan milyan oo qof ayaa ku barakacay.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed