Sacuudiga oo joojiyay xoolihii uu ka iibsan jiray Somaliland iyo wasiirka xannaanada xoolaha maamulkaas oo oo eed u jeediyay Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay in ay joojisay xoolihii ay muddada dheer  ka iibsan jirtay Somaliland, inastoo aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee arrintaas ka dambeysa, haddana warar kala duwan ayaa ka soo baxaya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha maamulka Somaliland, Siciid Sulub, oo ku sugan xilligan Sacuudiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay carqaladaysay xoolaha Dekedda Berbera inkasta oo aannu sii faahfaahin sababta, soona bandhigin caddeymo, marka laga reebo eedda uu jeediyay.

Wasiirka hoosta ka xariiqay  in ay wadaan dedaallo arrintaas ku saabsan oo rajo laga qabo in ay  guullaystaan dhawaan ,dib loo bilaabi dhoofinta xoolaha dalka Sacuudiga.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ee ku aaddan arrintaas.

Sacuudiga ayaa kamid ah waddamada xiriirka dheer la leh Soomaalida oo muddo fog ka iibsanaayay xoolaha, waxana Soomaaliya kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo soo jiraan ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed