Saciid Deni oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Mucaaradka ee Hoggaaminayay Dagaalkii Garowe

Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday taliyihii hoggaaminaayay Ciidankii taabacsanaa mucaaradka ee ka soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka maamulkaasi magaalada Garowe, dagaalkana la galay Ciidankii taageersanaa madaxweyne Deni.
Taliyahaan oo lagu magacaabo  Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa hoggaaminaayay Ciidanka Danab ee Puntland kuwaas oo jiray dhinac Mucaaradka iyaga oo qeyb ka ahaay dagaalkii khasaaraha xooggan dhaliyey ee bilaawgii isbuucaan ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa xilka looga qaaday Kornayl Jimcaale Jaamac Takar, xilkaan ayaa loo magacaabay G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire, oo la oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Danab kaas horay ay u soo wada shaqeeyeen taliyaha lagu beddelay.
Ilaa iyo hadda lama oga in uu aqabli doono xilka laga qaaday taliyahaas iyo in kale, maaddaama uu horay uga soo horjeestay hannaanka uu wax kuwada ee doorashada Saciid Deni, taliyahaan ayaa taageero xooggan ka heysto dhinac siyaasiinta mucaraadka ee Puntland kuwaas oo horay u diiday wax ka beddelka dastuurka maamulkaasi, waxana ka dashay gacan ka hadal dhaliyay khasaaro maal iyo mid nafeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed