Saciid Deni Oo Bilaabay Ololahiis Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa deegaannada  Puntland ka bilaabay Olalahiisa doorashooyinka, xilli Siyaasiin Culus oo ka soo jeedo Puntland ay ku eedeyeen in uu wado muddo Kororsi iyo in sii joogo xukunka sida ka baxsan Dastuurka iyo qaanuunka.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kaah ayaa maanta gaaray deegaannada Jalam, Xaarxaar, Bandersalaama ee gobolka Nugaal, waxana waday Olole xooggan oo ku aadan in xisbigiisa loo codeeyo doorashooyinka golayaasha  deegaanka Puntland.

Waxaa uu dadweynaha u sheegay in ay isku diyaariyaan doorashooyinka lagu wad in dhacaan  25 bishaan May ee 2023 sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashooyinka Puntland, Saciid Deni ayaa cod dheer ku sheegay in Xisbiga Kaah ee hadda hoggaamiya Puntland in markale talada dib loogu soo celiyo si uu u sii hoggaamiyo markale Puntland.

48 saac ee la soo dhaafay waxaa jiray Siyaasiin uu kamid yahay Madaxweynaha hore Puntland oo Deni ku eedeyay in uu wado muddo kordhin kadib markii Golaha Wasiirrada ay Ansixiyeen in Dastuurka Puntland wax ka bedeel lagu sameeyo.

HBN New Desk, Muqdisho.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed