RW Xamse iyo Ereyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeesha Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, kulankaan ayaa diirada lagu saaray Xoojinta, wada-shaqeynta Qaramada Middobat iyo Soomaaliya in kor loo qaado lana xoojiyo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isaga oo muujiyey sida ay Xukuumaddiisa uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midboobay.

Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed