Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay dayn malaayiin doolar ah

Xukuumada Ruushka ayaa qaaday tilaabo lagu macneeyay inay wax wayn ka tari doonto hannaanka dayn cafinta Soomaaliya, ka dib markii ay ka cafisay 684 milyan oo doolar oo dayn ah.

Munaasabad ka dhacday magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka oo uu ka socdo shirkii labaad ee Ruushka & Afrika ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Biixi Cige iyo Kuxigeenka Wasiirka Maaliyada Ruushka Timur Igorevich Maksimov waxay ku kala saxiixdeen heshiiskan dayn cafinta.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Biixi Cige ayaa sheegay in talaabadan Ruushku uu qaaday ay wax wayn ka tari doonto dadaalka dawlada Soomaaliya ugu jirto dayn cafinta.

Ra’isalwasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galaya shirka madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo maanta iyo beri ka dhici doona Saint Petersburg.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed