Ruushka oo sheegay in ay burburiyeen 31 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine

Ruushka ayaa  sheegay in difaacyadooda cirka ay burburiyeen 31 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaasoo qayb ka ahaa weerarro xalay lagu qaaday dhulka Ruushka.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku sheegtay Telegram inay soo rideen diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabayay gobollada Belgorod,Bryansk iyo Kursk. Dhammaan saddexda gobol waxay ku yaalaan xadka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Alexander Bogomaz, oo ah gudoomiyaha gobolka Bryansk, ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay dhowr tuulo ku garaaceen bambaanooyin, kuwaasoo waxyeelo u geystay dhowr guri. Bogomaz ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo la soo sheegay.

Milatariga Ruushka ayaa sheegay in ay sidoo kale qabteen koox ka tirsan ciidamada Ukraine oo isticmaalaya doomaha dheereeya si ay isku dayaan in ay galaan Crimea.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka Talaadadii si ay u xaqiijiyaan sii wadida taageerada militariga Mareykanka ee dagaalka Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka ka dib markii garabka midig ee Jamhuuriga ay ku qasbeen in ay ka laabtaan dhaqaalaha.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu la hadlay madaxda Canada, Germany, Italy, Japan, Poland, Romania, Britain, Midowga Yurub iyo NATO oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska.

Qaar ka mid ah xisbiyada garabka midig ee Jamhuuriga ayaa ka soo horjeeda dhaqaalaha cusub ee Kyiv, iyaga oo ku doodaya in dagaalka Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka uusan ahayn mid istiraatiiji ah oo dan u ah amniga qaranka ee Mareykanka, inkastoo aqlabiyadda ugu badan ee sharci-dajiyayaasha Mareykanka, waxay weli u muuqdaan inay taageerayaan gargaar dheeraad ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed