Ruushka oo maanta ku garaacday gantaallo Ukraine, xilli uu dagaalku ka socdo Waqooyiga Bari ee dalkaas

Iska horimaadyada ka dhacay xadka waqooyi bari ee Ukraine ayaa si weyn uga sii daray ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka ee Kyiv , iyadoo Moscow ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay magaalada Avdiivka ee istiraatiijiga ah ee Ukraine. kaas oo ku yaala gobolka bari ee warshadaha Donetsk.

Ciidamada Ruushka ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah duqeymo ka geystay magaalada. “Cadowgu ma joojin weraradii iyo qaraxyadii” agagaarka Avdiivka, madaxa magaalada Vitalii Barabash ayaa u sheegay telefishinka Ukraine.

Saraakiisha Ukraine ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in weerarada Ruushka ay magaalada ka dhigeen mid gubanaya. Moscow ayaa ciidamo dheeraad ah geynaysa magaalada, taasoo ku taal waqooyiga caasimadda gobolka uu Ruushku haysto, sidoo kalena loo yaqaan Donetsk.

General Oleksandr Syrskyi, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Ukraine oo booqasho ku tagayay ciidamada Ukraine ee ku sugan aaggaasi, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dib isu abaabuleen kadib markii ay khasaare gaarsiiyeen, ayna weerareen meel u dhow tuulada Makiivka iyo dhanka magaalada Kupyansk. Syrskyi waxa uu sheegay in ciidamada Ruushka ay maalin walba fuliyaan tobanaan weerar, balse waxa uu xusay in ciidamada Ukraine ay gacanta ku hayaan.

Magaalada Pokrovsk ee ku taalla waqooyi-galbeed ee Avdiivka, hal qof ayaa ku dhintay 24 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday, halka magaalada Beryslav ee koonfurta gobolka Kherson ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dishay 34 haween ah.

Wakiilka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzia, ayaa sheegay in dagaalka sii xoogaysanaya ee bariga uu muujinayo marxalad cusub oo ololaha Ruushka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed