Ruushka oo duqeymo xooggan xalay u gaystay magaalada Kyiv

Military-ga Ruushka ayaa xalay duqeymo ba’an u gaystay magaalada Kyiv ee caasimada Ukraine, sidaasi waxaa sheegay masuuliyiin ka tirsan ciidamada Ukraine iyadoo gantaalaha difaaca hawada ay burburiyeen dhammaan gantaalihii ay soo rideen Ruushku ka hor intii aysan soo gaarin bartilmaameedkooda.

“Weerar kale ayuu cadowgu ku soo qaaday Kyiv” ayuu yiri General Serhiy Popko, oo madax u ah taliska ciidamada ee caasimada Ukraine oo farriin soo dhigay bartiisa Telegram-ka.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray inaanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymaha cusub ee Ruushka.

Geesta kale, dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa inay ka socdaan gobolka Donetsk ee dalka Ukraine halkaasi Ruushku ka wado inuu soo dhoobo ciidamo xooggan oo weerar soo qaada, dagaalka ugu ba’an ayaa ka socda magaalooyinka Bakhmut, Lyman & Marinka oo ah furimaha hore ee dagaalka faraha looga gubtay uu ka aloosan yahay.

WARQABADKA HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed