Roobabka wato fatahaadaha oo sameyn ku yeeshay magaalooyin hor leh

Gobolada dalka Soomaaliya waxa wili ka da’aya roobab mahiigaan ah kuwaas oo wato dabelyo iyo fatahaado, isla markaana geysanaya khasaaro xooggan oo naf iyo maal leh, iyada oo guryo iyo hanto badani ay ku baaba’een roobabkaas.

Roobab Xooggan oo saacadihhii lasoo dhaafey ka da’ay degmada Berdaale ayaa sababay in Daadad xoog leh ay soo galaan gudaha magaalada, iyaga oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

Daadadka ayaa galay xaafadaha magaalada taas oo keentay inay barakacaaan inta badan dadkii degmadaas daganaa, xaaladda ayaa ka sii daraysa marba marka ka dembaysa.

Waxaa degmada Bardaale ee gobolka Baay ka maqan adeegii bulshada sida korantadii, isku socodkii gadiidka, sidoo kale dhammaan waxaa daadadku ay xireen Goobihii Ganacsiga ee shacabku adeegsan lahaayeen, caafimaadkii iyo waxbarashadii.

Maamulka Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay biyuhu ka barakiciyeen Guryahoodii.

Gobolada Mudug, Gedo, Bakool iyo kuwa kale aya laga wada qaxay ka dib markii fatahaado culus ay kala jareen isku socodkii, kuna fatahay xaafadihii.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed