Roobab Sababay Dhimasho iyo Barakac oo ka Da’ay Dowlad Deegaanka Soomalida

Roobab Xooggan oo ka da’ay maalmihii la soo dhaafay dolwad deegaanka Soomaalida ayaa dhaliyay khasaaro Xooggan oo iskugu jiro dhimasho, Barakac iyo burur xooggaan deegaanada uu roobku ka curtay.

Roobabka iyo daadadka ayaa galaaftay nolosha toddobo qof  kuwaas oo dhintay, degmooyinka deegaanka Daawa ee ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ku dhuftay, fatahaad aad u daran. Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay taniyo isbuucii la soo dhaafay ee bishaan March.

Dhibaatada daadadka iyo roobka ayaa sameeyay inta badan deegaano hoosta  degamda Daawa,  in ka badan 4500 oo qof, kuna qasbay kala bar dadkaasi in ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen, sida uu sarkaal maxalli ah u sheegay Warbaahinta.

Xasan Maxamuud Isuduwaha Maareynta Khatarta Masiibooyinka (DRM) ee degmada Hudet oo ku sugan goobta ay wax ka dhaceen, ayaa sheegay in dhimashadu ay gaartay 7 ilaa hadda halka Kumanaan akle  ay ku qasban yihiin in ay ka barakacaan guryaha ay dagganyihiin.

Sida  uu sheegay Xasan in 4 ruux ayaa ku dhintay deegaanka Booji iyo mid ka mid ah deegaanada Hilaal ee degmada Kadaduma, sidoo kale deegaanka Ceel Goof ee degmada Mooyaale ayaa kamid ah meelaha dhibaatada ka dhacday.

Daadad xooggan oo saamayn xooggan ku yeeshay bulshooyinka ay abaartu daba dheeraatay ayaa waxa kale oo ay ku nafwaayeen 4215 neef oo xoolo ah, waxa ay burburiyeen guriyobaad u fara badan oo gaaraya 660 guri.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed