Roobab mahiigaan ah oo barakiciyay in ka badan 273,000 oo caruur ah oo gaaray heerka waxbarashada

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UN OCHA) ayaa ka warbixiyay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Soomaaliya tan iyo bishii October ay saameyn xun ku yeesheen waxbarashada, kuwaas oo saameeyay in ka badan 220 dugsi, ayna barakiciyeen in ka badan 273,000 oo caruur ah oo da’dii waxbarashada gaartay. Cimilada oo xumaatay waxay keentay burbur qayb ahaan ama gebi ahaanba iskuullada ah, halka kuwa kalena ay noqdeen kuwo aan la geli karin daadad awgeed.

Gobollada ayaa kamid ah meelaha ugu darran ee u baahan saameynta tabban ay ka dhalatray, isla markaana dadka deggan goboladaas xaaladoodu ay tahay mid aad looga deyrinayo, he’adaha ayaa sheegay in ay ak dhalan karto xaalad halis ah haddii aanan la helin gargaar degd eg ah.

Ururada bini’aadantinimada ayaa ka jawaabey iyagoo xoojiyey taageeradooda bulshooyinka u nugul ama ay saameeyeen xaaladaha degdega ah ee cimilada. Dadaallada waxaa loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta waxbarashada carruurta, hubinta inay helaan taageerada lagama maarmaanka ah iyo agabka si ay u sii wataan safarkooda waxbarasho.

Barokaca ardayda iyo carqaladaynta nidaamka waxbarashada ayaa sii muujinaya baahida loo qabo kaalmo joogto ah oo caalami ah iyo dadaallo iskaashi si loo dhiso adkeysi waxna looga qabto baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed