Roobab ma hiigaan ah oo ka da’aday maamulka SCC-khaatumo

 

Roobab ma hiigaan ah ayaa ka da’aday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka SSC-khaatumo, kuwaas oo ay dadku ku diirsadeen, roobabkaan deyrta ayaa ka curtay magaalooyinka  Laascaanood, Buuhoodle, iyo sidoo kale deegaanno kamid ah gobolada Sool iyo Ceyn.

Goobjoogayaal ayaa HBN  u sheegeen in roobabku ay si wanaagsan uga da’een deegaanno badan oo hoos yimaado Buudhoole iyo Laascaanood, gaar ahaan dhulka miyiga ah ayaa la sheegay in roobabku ay ku faafeen.

Muuqaalada iyo sawirada laga soo qaaday ayaa muujinaya hannaanka jawiga wanaagsan ee xilli roobaadka, dadka deegaanka ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay goobaha sida wanaagsan uu uga da’aday.

Curashada roobabka deyrta ayaa ku soo beegmaya iyada oo dadka reer Laascaanood ay wili ka maqan yihii gudaha magaalada kuwaas oo badi deggan tuulooyinka iyo deegaannada hoos yimaada gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed