Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlay xaaladda Gaza soona saaray baaq

Hogaamiyaha Turkiga ayaa ku celiyay baaqiisa nabadeed iyo xabad joojinta Gaza isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta xuquuqul insaanka aduunka oo ka dhacday Istanbul sida ay baahisay Daily Sabah.

“Sababtoo ah diidmada qayaxan ee Maraykanka, wax go’aan ah lama gaarin, waxaa lagama maarmaan ah in dib u habeyn lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu Erdogan ka sheegay munaasabadda.

Dhawaaqa Erdogan ayaa daba socday fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maraykanka oo taageersan maamulka Netanyahu ee xasuuqa bahalnimada ah ee Falastiiniyiinta ee Gaza, uu diiday qaraar ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah.

“Waxaan luminay rajadayadii iyo rajada aan ka qabnay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri. Tan iyo 7-dii Oktoobar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo howshiisu ay tahay dejinta nabadda caalamiga ah, waxay isu beddeshay ilaalinta Israel, sidaas waxaa yiri madaxweynaha Turkiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed