Ra’iisul Wasaare Xamze gaaray magaalada Kismaayo iyo faah faahin laga bixiyay socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaare Xamze Barre ayaa maanta oo Axad ah booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, si uu ugu kuur galo xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta, isla markaana uu u ogaado howlaha gurmadka ee ka dhashay fatahaado xooggan oo galaaftay nolosha dad badan, kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa ka jawaabay baaqii ahaa in wax laga qabto dhibaatada jirta.

Xaalada culus ayaa si gaar ah looga dareemayaa deegaanada kala duwan ee Jubbaland, degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, burbur iyo barkac baahsan. Isla mar ahaantaana, qaybo ka mid ah gobolka Gedo, qoysasku ayaa ku go’doonsan, gurmadyada degdegga ah  ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada dhibaatooyinka.

Ra’iisul Wasaare Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa kormeero ku sameyn doona goobihii ay fatahaaduhu saameeyeen, waxaana ay abaabuli doonaan gurmadyo bini’aadanimo oo dheeri ah. Dadaalada iskaashiga ah ayaa ujeedadoodu tahay sidii loo yareyn lahaa duruufaha murugsan ee soo wajahay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Kismaayo iyo gobollada hoos yimaada.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed