Ra’iisul Wasaare Xamza oo u ambabaxay dalka Mareykanka iyo ujeedka sararkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad ka jeedin doona shirka golaha guud, wuxuuna ka hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo xallinta, dhimista faqriga, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta dhaqaalaha, wax soo saarka, xuquuqul insaanka, cadaaladda, dhismaha hay’adaha dowladda, iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka waxa uu yeelan doonaa kulamo dhowr ah oo dhinac ah, waxaana ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale oo ka socda Mareykanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Barre ayaa la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isagoo uga warbixin doona xaaladda dalka oo ay ka mid tahay guulihii laga gaaray ciribtirka Al-Shabaab iyo ka xoreynta deegaannada ay heystaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed