Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray gobolka Gedo iyo ujeedka socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo ka jawaabaya fatahaadaha saameeyay degmooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya, ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Doolow ee gobolka Gedo, si uu shakhsi ahaan ugu kuur galo baaxadda khasaaraha iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jiro halkaas.

Deegaanno kala duwan ayay ka dhaceen fatahaado, iyadoo degmada Bardaale ee gobolka Bay ay ka jirto xaalad adag. Biyihiia ayaa buux dhaafiyay guryaha, taasoo sababtay barakac ballaaran oo soo gaaray dadkii deegaanka. Barakacayaasha ayaa hadda wajahaya caqabado aad u daran oo ay ka mid yihiin la’aanta agabka muhiimka ah sida cunno iyo hoy.

Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee la xiriira fatahaadaha, dowladda ayaa laga filayaa inay isku duba riddo dadaallada gargaarka iyo inay la kaashato hay’adaheeda  iyo kuwa caalamiga ah si gargaar muhiim ah loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen. Xaalada Bardaale ayaa muujineysa sida ay u nuglantahay bulshada ay wajahayaan saameynta xun ee fatahaada, taasi oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Dadaalka lagu yareynayo dadka barakacayaasha ah, dib u soo celinta adeegyadii muhiimka ahaa, iyo sidii loo heli lahaa cunto iyo hoy ayaa laga yaabaa in mudnaanta koowaad la siiyo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed