Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dalka Sacuudiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo Fursadaha maalgashi ee Soomaaliya kadib deyn cafinta.

Safiirka ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga ay ka go’an tahay isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan ​​fursadaha maalgashi iyo in dowladda ay ka taageeraan dhinacyada kale, waxa uuna ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudiga sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida,  iyo midnimada dadka iyo dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed