Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar kuwaas oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, oo ku sugan dalka Qatar ayaa halkaas ka wado kulamo kala duwan oo diirada lagu saarayo in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto dagaalamayaasha Al shabaab.

Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la kulmay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar, Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo garoomada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha ururka Al shababa, taasi oo fursad weyn u ah guud ahaan Soomaaliya, taas beddelkeedana dalku uu u heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi iyo kheyraadka dhex qotoma Soomaaliya.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Golohiisa Wasiirrada ayaa kulamo kala duwann ka wado dalka Qatar, iyaga oo shalay la kulmay dhiggiisa dalkaas, Qatar ayaa ka mid ah saaxiibada taageero Soomaaliya, waxay ballan qaadeen in ay taageeri doonaan ciidamada dolwadda ee dagaalka ba’an kula jiro Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed