Ra’iisul Wasaare Barre oo kulan xasaasi ah la yeeshay Safiirka Finland u fadhiya Soomaaliya iyo qodobadii laga wada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Finland ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal iyo sidii Finland ay u taageeri lahayd Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa ra’iisul wasaare Barre waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool deegaannada iyo gobollada la xoreeyay oo ay ciidamada dowladdu ku dadaalayaan sidii ay uga xoreyn lahaayeen Al-shabaab.

Danjire Tapiola ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya sida ay ugu heelan tahay ciribtirka kooxaha hubeysan, wuxuuna caddeeyay in Finland ay joogto ka go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bishii Agoosto 2022, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay hawlgallo ciidan oo dhan walba ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo loogu magac daray “dagaalkii guud,” kaasoo hadda ka socda maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Howlgalka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo wajigiisa labaad loo yaqaano “Libaax Madow” ayaa diiradda lagu saari doonaa maamullada Galbeedka iyo Jubbaland ee gobollada koonfureed ee dalka.

Hogaamiyayaasha dawladda federaalku waxay raadiyaan dhaqaale dheeraad ah si ay u bixiyaan adeegyada muhiimka ah ee dawladda sida dugsiyada, isbitaallada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dadka deggan goobihii dhawaan la xoreeyey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed