Ra’iisul Wasaare bannaanka keenay fariimo igu yimaaday Shacabka Muqdisho kuna baaqay in wax laga qabto

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fariimo uu sheegay inay ka heleen shacabka Muqdisho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaadista dhagxaan lagu gooyay waddooyinka caasimadda iyo biyaha xiro Muqdisho xilli roobaadka.

Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii amniga loo adkeyn lahaa, loona baahan yahay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha iyo Ciidamada ku howlan sugida amniga Muqdisho.

Barre ayaa sheegay in fariinta ay ka heleen bulshada Soomaaliyeed ay uga jawaabi doonaan sida ugu wanaagsan maadaama ay ku mashquulsan yihiin u adeegida bulshada.

“Haddii la doonayo in amniga wax laga qabto waa in dhagxaanta laga qaadaa waddooyinka, waa fariintii aan ka helnay bulshada Muqdisho, waana sameyn doonaa haddii Alle idmo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Fariinta labaad ee uu helay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku saabsaneyd xaaladda waddooyinka caasimadda, saameynta roobabka xooggan ee ka da’aya Muqdisho iyo gurmadka ay bulshadu ka filayaan dowladda inay wax badan ka qabato.

Waxa uu u sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in kaliya aysan muhiim aheyn in la dhiso waddo, balse loo baahan yahay in la helo meelaha ay biyuhu maraan, si wadooyinka Caasimadda ee dib u dhiska lagu sameynayo ay mar mar u isticmaalaan, sababtoo ah way fiicantahay in la xaliyo dhibaatooyinka ladnaanta.

Labada fariin ee uu helay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala ah: Wadooyinka ay dowladda xirtay iyo biyo mareenada waa labo arrimood oo saameyn weyn ku yeeshay bulshada Muqdisho, qaarkoodna ay marar badan dalbadeen in wax laga qabto.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed