Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa u magacaabay Aadan Faarax inuu noqdo madaxa xarunta isku xirka dhismaha nidaamka Dimuqraadiyadda ee darajada Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkaas.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, magacaabista ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo 1-da Abriil, 2024. Xarunta Dimuqraadiyadda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah xafiis cusub oo ay yeelanayso haykalka dawladda Itoobiya.
Aadan Farah ayaa hadda la wareegay jagada ku xigeenka iyo madaxa xisbiga barwaaqada, xisbiga talada haya ee Itoobiya. Ma cadda inuu sii hayn doono labada jago iyo in kale.
Aadan Faarax oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan gobolka Siti ayaa horay xilal kala duwan usoo qabtay. Waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Golaha Federeeshinka Itoobiya iyo Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Soomaalida, waxaanu hore u soo noqday Duqa magaalada Diridhabe.
Dowlad deegaanka Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee Adem loo magacaabay, iyagoo arkay in magacaabistan ay tahay guul u soo hoyatay shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.
HBN NEWS DESK