Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la yeeshay hoggaanka Ciidanka iyo madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta  kormeer loogu kuur-galayo Wasaaradda Gaashaandhigga ku tagay, waxaa oo la kulamay saraakiil ciidan iyo howlwadeennada Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadd ay xorreyneyso deegaannada Al shabaab heystaan, sidoo kalana  gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee lagu ciirbtirayo jiritaanka Al shabaab, looga sifeynayo dalka, ayaa waxaa uu Xamse  sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa wax uu ku sheegay  culeyska argagixisada.

Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya , si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Booqashadaan Ra’iisal Wasaraaha ayaa ku soo beegmeyso iyada oo dolwaddu ay waddo dagaallo xooggan oo ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab, Wasaaraadda Gaashaandhigga ayaa fure u ah howlgallada socdo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed