Ra’iisul Wasaaraha Xamse oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, kulankaan ayaa looga hadlay arrimo kale duwan oo khuseya xaaladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka labada dala, iskaashiga iyo in Xukuumadda laga caawiyo hormarinta iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaarae Xamse  ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xorrey kooxda Al shabaab,  iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.
Maalmihii la soo dhaafay safiirka UK ee Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeelanayay madaxda ugu sarreyso dalka, Uk ayaa kamid ah dowladdaha Soomaaliya ka taageero dhanka dhaqaalaha, ammaanka, iyo hormarinta.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed