Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo qodobadii laga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Xamza Cabdi Barre, ayaa wadahadallo xasaasi ah kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Kulanka oo ku dhacay jawi wanaagsan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa is dhaafsaday fikrado iyo istaraatiijiyad lagu wajahayo arrimaha xasaasiga ah ee u baahan indhaha caalamka in lagu eego faccelina laga bixiyo, meelaha muhiimka ah ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah amniga, nabadda, horumarka, isbeddelka cimilada, iyo kobac dhaqaale oo waara.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la sii wado taageerada ay Qaramada Midoobay ku bixiso xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in deegaanno xasiloon oo nabdoon looga baahan yahay horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay safarka ay ugu jirto xasilloonida, waxayna labada mas’uul ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo lana sii wado dadaalladaas. Waxa ay ka wada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka oo dhamaantood lagama maarmaan u ah horumarka dalka.

Soomaaliya, si la mid ah dalal badan, ayaa waxaa soo food saartay saameynta xun ee isbedelka cimilada, oo ay ku jiraan abaaro iyo cunto yari, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loola dagaallamo caqabadahaas iyo la qabsiga is beddelka cimilada.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay la tacaalidda caqabadaha dhinacyo badan leh ee ka jira Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed