Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si kulul uga hadlay qadiyadda ururka Xamaas kuna sheegay in aysan aheyn argagixiso

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamaza Cabdi  Barre, ayaa si kulul uga hadlay arrinta dagaalyahannada Xamaas ee dagaalka ku jiro Ciidamada Israel, wuxuu sheegay in Ururka Xamaas aanu ahayn Argagixiso, balse uu yahay Ururka  u dagaalama Xoraynta ee iyo ilaalinta dhulka Falastiin.

Ra’iisul Wasaare Barre oo khudbad ka jeediyay xuska sanadlaha ah ee Sheekh C/qaadir Jeylaani oo sanadkii labaad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in aysan ilaawin waxa ka socda Falastiin, hadalkan ayaa dhaliyay hadal heyn xooggan oo baraha bulshada ah, iyada oo warbaahinta adduunka ay qaateen, gaar ahaan kuwa bariga dhexe iyo dadka taageersan qadiyada Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux nuuxsaday in xalka kaliya ee lagu qanci karo uu yahay in la helo labo dowladood, isagoo yiri “Ma tanaasuli doono ilaa aan ka aragno dowlad falastiiniyiin ah oo caasimad u ah Qudus”.

Todobaadki hore, madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso balse ay tahay koox xoreyn ah oo u dagaalanta ilaalinta dhulka Falastiin. Ankara waxay taageertay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed