Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u baxay safar debbadda ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray magaalada Doxa ee dalka Qatar kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Dowladda Qatar ayaa ah saaxiibada  taageero  hay’adaha dowladda Soomaaliya kana caawiyay arrimaha ammaanka, hormarinta, bini aadanimada iyo arrimo kale.

Qatar iyo Soomaaliya ayaa xiriir diblomaasiyadeed sameystay sanadkii 1970-kii, waxaana labada dal ay xubin ka yihiin Jaamacadda Carabta. Labada dowlad ayaa ah kuwo kala duwan, waxaana ka dhaxeeya xiriir adag oo dhinacyo badan taabanaya oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqalaaha iyo dib u dhiska Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed