Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shir xasaasi ah la yeeshay Golaha Wasiiradda Jubaland

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa isugu yimid shir gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadantinimo iyo kuwa nabad-gelyo ee ka jira gobolka, iyadoo looga hadlay arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay fatahaadihii ugu dambeeyay iyo walaacyo dhanka amniga ah.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka waxa ay warbixin ka dhageysteen Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wararkan ayaa laga soo aruuriyay deegaanada ay sida tooska ah u saameeyeen roobabkii dayrta iyo fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Daawa.

Dadaal wada jir ah oo ay sameeyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha soo wajaha gobollada kala duwan ee ay saameeyeen fatahaadaha.

Dhinaca amniga, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxda  ee ‘Al-Shabaab.’ Dood-wadaag ayaa waxaa looga hadlay qorshaha istaraatiijiyadeed ee ciidamada cusub ee Dowladda Federaalka ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalladan. Habkan wadajirka ah ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado tallaabooyinka amniga iyo xaqiijinta guusha dadaallada socda ee looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada ‘Al-Shabaab’ ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed