Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shir muhiim ah ka furay magaalada Muqdisaho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan Al shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran laga saaro kooxda Al shabaab.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, iyo  aqoonyahanno.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed