Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay deegaannada uu ka bilaaban doono dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay gobolada iyo deegaannada ay ka bilaaban doonaan, dagaallada Soomaaliya looga xorreynayo Ururka Al shabaab, iyada oo dowladdu maalmaha soo socda ay bilaabeyso howlgallo baaxad leh.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mudda kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Al shabaab, howlgallada ayaa ka bilaabanaya degaannada Galmudug iyo Hirshabeelle kadibna loo gudbi doono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa uu intaas raaciyay in loo baahan yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidmada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jiray wasiiro & sarakiil ciidan ayaa shalay tegay Dhuusamareeb, iyadoo halkaa uu Madaxweynaha uu ka hagi doono dhammeystirka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka soconaya degaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed