Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay u qeybsanaha Malaysiya u qaabilsan Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho kula kulmay u qeybsanaha Malaysiya u qaabilsan Bariga Afrika Ruzaimi Maxamed oo ay ka wada hadleen sare u qaadida xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre wuxuu ka hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo dhinacyada iskaashiga labada dal, gaar ahaan ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Wakiilka Sare ee Malaysia oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo sidoo kale isla waqtigan la aqoonsan yahay Burundi, South Sudan, Rwanda, Tanzania, iyo Uganda, ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Malaysia iyo Soomaaliya

Arrimo kala dwaun ayey isla meel dhigeen, isla markaana ay xoojin doonaan qodobadii la isla qaatay, kuwaas oo lagu hishiiyay in si wadajir ah loo hirgaliyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed