Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan heer sare ah la qaatay Soomaalid Mareykanka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, aya booqasho ku tagay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula Soomaalida Mareykanka ee isugu soo baxay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kulan heer sare ah la qaatay Wasiirka kowaad ee xumaadda Soomaaliya.

“Soomaaliya hadda waxay leedahay dowlad xasilloon,” ayuu Barre u sheegay dad gaaraya 1,600 oo isugu soo baxay hoteelka DoubleTree ee magaalada Bloomington. “Haddii aan la helin dowlad xasiloon, kuma shaqeyn karno horumarinta arrimaha amniga iyo caqabadaha kale ee dalka wajahaya, ayuu yiri.

RW Xamza ayaa ku nuux nuuxsaday guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa, horumarinta dib u habeynta maaliyadda, horumarinta bulshada, horumarinta amniga, horumarka laga gaaray hannaanka deyn cafinta.

Isagoo ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la taageero, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Soomaalida Mareykanka ah inay gacan ku siiyaan dowladda iyo shacabkeeda dagaalka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda  ee Al-Shabaab.

Ra’uusal Wasaaraha ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo looga hadlayay arrimaha hor tamintra u leh caalamka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed