Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in laga qaado cunaqabateynta hubka isagoo khudbad u jeediyay UNGA78

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, isagoo ka hadlay horumarka ay dowladdu ka sameysay dhinacyada amniga, dadaallada la dagaalanka argagixisada, dib u habeynta maaliyadda, horumarinta bulshada, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, si looga adkaado ururka Al Shabaab, isla markaana ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay waxqabadyada caalamiga ah, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya u nuglantahay isbeddelka cimilada, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo gargaar caalami ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku booriyay dib u habeyn lagu sameeyo hay’adaha caalamiga ah oo kor loogu qaadayo horumarka iyo xasilloonida maaliyadeed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed