Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir muhiim ah dalka Tanzania

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar uga baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeedo dalka Tanzania oo ay uga qeyb-galayaan shir madaxeed muhiim ah.

Shirka ayaa looga hadlayaa ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso, taas oo  mudnaan gaar ah u leh xukuumadda Soomaaliya ee ku aadden horumarinta bulshada, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas kulamo gooni gooni ah kula yeelan doono madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkaas, waxaa uu la wadaagi xaaladda dalka iyo sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha hormarinta, ammaanka iyo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed