Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameeysay Hiigsiga Horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Hamza ayaa shaaca ka qaaday in Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya uu la jaan qaadayo UN-ka ee SDGs, isagoo ku faanay hoos u dhaca faqriga 15% iyo dhimashada dhallaanka hooyada 43%, iyo kor u qaadista aqoonta haweenka 12.4% tan iyo 2017.

Waxaa uu tafaasiil ka bixiyay qorshayaasha mustaqbalka, waxa uu ka hadlay kor u qaadista heerka nolosha, kor u qaadida tayada waxbarashada iyo helitaankeda, iyo soo bandhigida dugsiyo cusub oo loogu talagalay in dib u dhis loogu sameeyo tacliinta dalka, Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in kor loo qaado wax soo saarka beeraha iyadoo la isticmaalayo farsamooyin horumarsan si looga hortago saameynta isbedelka cimilada, waxaana uu wacad ku maray in Soomaaliya ay kaalin firfircoon ka qaadan doonto dadaalada caalamiga ah ee SDG.

Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xuquuqul insaanka, gaar ahaan ciribtirka gudniinka fircooniga ah iyo hubinta in haweenku door muuqda ku leeyihiin hoggaanka.

Xamza Cabdi Barre inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda kala duwan ee ka soo qeyb galeyso shirka Qaramada Midoobay, sidoo kale waxaa u la kulmi doonaa saraakiil sare sare oo ka socoto waaxda difaaca mareykanka, oo uu kala hadli doono dagaalka Soomaaliya ay kula jirto ururka Al shabaab sidii gacan looga siin lahaay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed