Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka furmayo shir looga hadlayo horumarinta dalka, kaas oo ay ka qayb galayaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay,

Iyadoo arrimo badan oo caalami ah looga hadli doono UNGA 78, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu diiradda saaro sidii uu u muujin lahaa caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya. Khudbadiisa ayaa muujin doonta dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto la tacaalidda iyo ciribtirka khatarta kooxda Shabaab.

Waxa uu soo bandhigi doonaa sheeko ku saabsan sidii ciidamada xoogga dalka oo iskaashanaya kuwa deegaanka ay ugu suurtagashay in ay la tacaalaan oo ay jabiyaan khatartii Al-Shabaab oo ay ka xoreeyeen in ka badan 100 deegaan taniyo markii uu bilaawday dagaalkii wajiga 1aad ee sannadkii hore.

Ra’iisul Wasaare Barre ka qaybgalkiisa shirkaas Waxay ka dhigan tahay mid uu tagaeero ku weydiisan dowladaha ka qeyb galaya sidii loo taageeri lahaay xkumadiisa, si kor loogu qaado nabadda, iskaashiga iyo horumarinta dhammaan dalalka xubnaha ka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed