Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dagaal kaga dhawaaqay Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku booriyay shacabka Jubbaland in ay hubka qaataan si loo xoreeyo deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha oo si qiiro leh uga hadlay magaalada Kismaayo, ayaa shacabka isugu yeeray inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah kooxda.

“Shacabka Jubbaland waxaa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan sidii dalkan loo xoreyn lahaa, si ay hubka u qaataan oo meesha uga saaraan. Waxaan idinka rabnaa in aad u diyaar garowdaan difaaca iyo xoreynta dhulkiina,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto deegaanada uu ka arimiyo dowlad goboleedka Jubbaland. Tallaabadan istaraatiijiga ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in looga golleeyahay in lagu tayeeyo ciidamada hadda jira iyo in sare loo qaado ammaanka magaalooyinka uu maamulku gacanta ku hayo.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan ciidamada ku howlan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga ciribtiri lahaa deegaanada Jubbaland. Waxa uu cadeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la keeno ciidamo Milatari ah oo lagu xoojiyo dadaalada jira, islamarkaana lagu biiriyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed